12/01/2025
ππππππππ π¦ππ«ππ’π¬π¨π¨π«π€π.
1. Hadduu ruux marti ah kuu yimaado fadhiisi saaloonka(qolka fadhiga) ama meel kursi yaalo oo qaboow. π
π
2. Markuu fadhiisto haka sii dhaqaaqin oo la fadhiiso oo ka wareyso axwaasha si uu u dareenin in aanan imaanshahiisa lagu faraxsaneyn oo markaa wax uu cabo u keeneyso ka idin qaado oo isug waxaa cabtaa kuu keenaa ku dheh.π₯°
π
3. Garaafada biyaha iyo galaasmankaba haku sii diyaarsanaadaano miiska martida si uu hadhow qofka wax aan cabo isii kuu dhihin. πΉ
π
4. Hadduu qofka martida ah suuliga u baahdo kasii hormar oo saabuun iyo kabaha suulida u diyaari, haddey mugdi tahayna nalka usii daar.
π
5. Haddeey gabar ama islaan kuu timid sii go' iyo dirac ay guriga ku joogto.β€
π
6. Haddeey martida maalmo kula joogeyso sii saabuun qubeys u gaar ah, caday, iyo kareem.
π
7. Intuu qofka kula joogo haka aamusnaan oo ha dareensiin in aadan ku faraxsaneyn imaanshahiisa, ee wajiga furfur oo si wanaagsan ula sheekeyso.
π
8. Markey dad badan kusoo booqdaan, qahwada ama shaaha kusoo qaad sagbadda oo qofka ugu weyn meesha ku hor bilaaw oo u dhiib koobka ilaa kan ugu yar aa ku geyso. β
π
9. Raashinka tartiib ula cun oo isku day inaa inyar inyar cunto si aadan uga boobin ππ.
π
10. Haka kicin miiska cuntada oo ha faradhaqanin inta ay dadka wax cunayaan waayo waa hubaal ayagoo wali baahan ayey faraha dhaqanayaan, haddaa dheregtay xataa isku maaweeli cuntada oo ku dhiirageli in ay si fiican wax u cunaan.π₯π²π₯ππΉ
π
11. Koobabka iyo garaafada cabitaanka haka qaadin miiska inta uu qofka ka baxayo, waayo haddaa ka qaaddo micnaheeda waa wax waa cabtaye macasalaama, sug intuu ka baxayo kadib aruurso koobabka iyo cabitaanka ama shaaha. πΉβ
π
12. Hadduu qof qaali kugu ah kusoo booqday ama qof marki ugu horeeyay uu kusoo booqanayo, waxaa siisaa hadiyad yar sida taraaxad ama baati ama uunsi hadey dumar tahay, hadey aroosad cusub tahayna cilaan buufis u mari ama sii dhalo barafuum ah, haddey gabar jaamacad ama iskuul dhigata tahayna umari cilaan buufis ama sii baabuur raac, hadduu nin yahayna sii baabuur raac.
Haddaa awoodin qasab ma ahan. ππ
π
13. Markuu sii baxayo horay u raac oo ilaa banaanka albaabka la tag, oo dhoolacdeyn ku macasalaamee albaabkana horay haka xeranin illaa markuu dhowr mitir kasii fogaado guriga, si ui u baxo isagoo faraxsan oo isleh si weyn baa laguu casuumay oo laguusoo sagootiyay. πββοΈπββοΈ
Fadlan haddaa ka heshay like ta nagu dhiirageli β€β€β€